Sunday, September 27, 2026

Sacuudiga Oo Faransiiska ka Dalbaday Taageerro Difaac Iyo Farance Oo Diiday ka Qaybgalka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudiga ayaa la xiriiray Faransiiska, isagoo ka dalbaday taageerro difaac oo looga hortagayo weerarrada Xuutiyiinta. Codsigan, wuxuu madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron uga jawaabay inuu Faransiiska u dirayo Sacuudiga, ciidamo, cutubyo radar ah iyo nidaamyo difaaca cirka.

Iyadoo wax walba uu u maleynayo Sacuudiga inay wanaagsanyihiin, ayaa maanta waxaa soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska, Jean-Noël Barrot oo maanta wariyeyaashu waydiiyeen Faransiiska inuu ku biiray dagaalka Yemen.

Wuxuu yiri; “Gabi ahaanba maya. Tani waa arrin si adag ugu kooban difaac. Tan iyo markii uu billowday dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, waxaan ciidamadeenna iyo qalabkeenna milatari u dirnay ilaalinta xulafadeenna iyo saaxiibbadeenna.”