Shirka Nabadda ee SAMAWADE oo muddo saddex maalmood ah ka socday deegaanka Geerisa ee gobolka Awdal ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray qodobo lagu xoojinayo nabadda, wada noolaanshaha iyo xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya laba beelood oo wada daga gobolada Awdal iyo Salal, oo colaadi dhex martay.
Shirka ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, waxaana ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddida Nabadaynta ee Golaha Guurtida, maamulka gobollada Awdal, Selel iyo Saaxil, saraakiil ciidan, culimo, cuqaal iyo ergooyin ka kala socday labada beelood ee gogosha nabadeed loo dhigay.
Guddida Golaha Guurtida ayaa gunaanadka shirka ku dhawaaqday qodobo ay labada dhinac ku heshiiyeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo dhammaan falalka rabshadaha ah, in labada beelood isu diyaariyaan shirar lagu sii adkaynayo heshiiska, isla markaana hay’adaha ammaanku tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo wax u dhinta nabadda.
Waxaa sidoo kale lagu dhaariyay 62 oday oo ka kala socda labada beelood ee dega gobollada Awdal iyo Selel, kuwaas oo ballanqaaday inay ka shaqayn doonaan hirgelinta heshiiska iyo ilaalinta nabadda. Guddidu waxay sidoo kale ugu baaqday culimada iyo odayaasha inay hormuud ka noqdaan adkaynta heshiiska iyo dib u heshiisiinta bulshada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in xukuumaddu fulin doonto qodobada lagu heshiiyay, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo jebisa heshiiska ama carqaladaysa nabadda.
Dhankooda, qaar ka mid ah cuqaasha labada beelood ayaa soo dhaweeyay heshiiska, iyagoo ballanqaaday inay si buuxda u dhaqan gelin doonaan qodobadii lagu heshiiyay, si loo ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Shirka Nabadda ee SAMAWADE ayaa ugu dambayn maanta lagu soo xidhay jawi nabdoon, iyadoo masuuliyiintu ku tilmaameen heshiiska mid muhiim u ah xasilloonida gobolka Awdal iyo xoojinta wadajirka bulshada Somaliland.
