Wednesday, August 5, 2026

Wasiir Qorsheyay in Xayawaanada Dad Cun ka ah la Geeyo Xabsiga lagu Hayo Falatiiniyiinta

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka xagjirka ah ee amniga Israa’iil, Itamar Ben Gvir ayaa diyaariyay qorshe xabsiga ugu weyn ee lagu hayo Falastiiniyiinta ee Ketziot oo ku yaal meel aan ka fogeyn xadka Masar lagu hareereeyno yaxaasyo iyo xayawaano kale oo dad cun ah,si maxbuus kasta oo Falastiini ah oo iskudaya xabsiga inuu ka baxsado uusan nolol uga bixin,sida ay werisay warbaahinta Israa’iil ee i24.

Maxkamad ku taal Israa’iil ayaa qorshahan maanta hakisay , ka dib markii kooxo u doodda xayawaanka ay dacwad gudbiyeen , kuwaasoo sheegay qorshaha inay ku jirto in xayawaanada uu yaxaasku ku jiro la gaajeysiiyo si ay dhiiga bani’aadamka u raadiyaan.