Wednesday, August 5, 2026

Markab Hindiya laga Leeyahay Oo ku Degay Xeebaha Yemen Markii Gantaal Qabsaday.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka dekadaha dalka Hindiya ayaa sheegay in uu gantaal ama madfac ku dhacay markab Hindiya laga leeyahay, taas oo sababtay in uu rogmado kaddibna ku dego meel u dhow biyaha Yemen.

Wuxuu yidhi: “Dhammaan 14-kii badmaax ee saarnaa markabka waxaa si nabad ah u soo badbaadiyay Ilaalada Xeebaha Yemen.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa bayaan ay soo saartay si adag ugu cambaareysay weerarka.