Madaxwayne Cagjar Oo Sheegay In Aqoonsiga Somaliland Uu DDS u Fiican Yahay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwayne Mustafe Cagjar oo wax laga waydiiyay sida uu u arko dedaalada ay Somaliland ku bixinayso hanashada aqoonsiga ayaa soo dhaweeyey aqoonsiga Somaliland.

Madaxwayne Mustafe ayaa sheegay in deeganka Somaalidu uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay Somaliland.

“Deeganka Somaalidu wuxuu xidhiidh ganacsi oo wanaagsan la leeyahay Somaliland sida darteed wax kasta oo wanaagsan oo usoo kordha Somaliland sida Aqoonsi,waxay u fiicnan doonta deeganka Somaalida”

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa ka hadlay waxa uga qorshaysan saamaynta deeganka Somaalida ay ku yeelan karto hadii ay bilaabman kooxo ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland.

“Hadii ay bilaabman xoogag kale oo ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland ayna ujeestan iska hor imaad waxay isku dayi doonan in ay colaada ku fidiyaan deeganka Somaalida,horrey ayaan u aragnay calaamadaha waxa jiray isku dhacyo iyo dagaalo ka dhacay xuduuda”ayuu yidhi madaxwaynuhu.