Mareykanka Oo Cunaqabateyn saaray Shirkadda Shiinaha ee Dayax-gacmeedyada Markii Uu ku Eedeeyay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaray shirkadda Shiinaha ee dayax-gacmeedyada ee Mizar Vision, iyadoo lagu eedeyay shirkadan inay Iiraan ka caawinaysay xogta dhaqdhaqaaqa diyaaradaha Mareykanka iyo Israa’iil , ka hor inta aysan weerarrin bartilmaameedyada gudaha Iiraan, taasoo Iiraan u suragelisay inay si toos ula socoto diyaaradaha weerarraya dhulkeeda

Go’aankan Maraykanka ayaa kusoo aadaya xili uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump gaadhay magaalada Beijing halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Sidoo kale qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u raacay magaalada Beijing, waxaana ka mid ahaa madaxda shirkadaha Nvidia, Apple, Tesla iyo Boeing.

Si kastaba, guud ahaan ganacsiga u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha ayaa hoos u dhacayay sanadihii dambe sababo la xidhiidha dagaalka ganacsi ee sii xoogeysanaya iyo canshuuraha iyo xayiraadaha ganacsi ee ka dhashay.

Screenshot