Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa hadal uu jeediyay caawa ku dhaliilay xaaladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dalku uu wajahayo caqabado waaweyn oo dhinacyada amniga iyo dowladnimada ah.
Madaxweyne Donald Trump, ayaa mar kale Soomaaliya ku sheegey dal siyaad xumo ay ka jirto isagoo yiri: “Soomaaliya malaha dastuur, malaha boolis, waxa keliya ee Soomaaliya ka jira waa dad is dhex yaacaya oo is rasaaseynaya.”
Trump ayaa ku andacooday in Soomaaliya aysan lahayn hay’ado dowladeed oo si buuxda u shaqeeya, isla markaana ay weli ka jiraan dagaallo iyo rabshado hubaysan oo u dhexeeya kooxo kala duwan.
Hadalka Trump ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ka caraysan tahay garsooraha laga soo celiyay Maraykanka, islamarkaana ay wajahayso xaalad adag , muranno doorasho iyo xaalado amni oo marar badan indhaha caalamka soo jiitay.
