Tuesday, August 11, 2026

Faah-faahinta:-Weerar Dhimasho Geystay Oo Xuutiyiintu ku Qaadeen Markab Marayey Baabal-mandab

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay weerar ay kooxda xuutuyiinta ee ay taageerto Iran ku qaadeen markab xamuul ah oo maanta marayay meel ku dhow marinka Baab al-Mandab ee xeebaha Yemen. sida ay sheegeen ciidamada Ilaalada Xeebaha Yemen.

Weerarradan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee taxane hawlgallo dhimasho sababay oo lagu qaaday maraakiib ganacsi oo marayay halka laga galo Badda Cas, tan iyo markii Xuutiyiintu ku dhawaaqeen go’doomin badeed oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya.

Ilaalada Xeebaha Yemen oo hoos tagta dowladda Yemen ee beesha caalamku aqoonsan tahay ayaa sheegtay in afarta ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen shaqaale saarnaa markabka xamuulka.

Sida lagu sheegay warbixinta, laba ka mid ah ciidamada loo diray inay fuliyaan hawlgallada samatabbixinta iyo daadgureynta dadka saarnaa markabka ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka.