Taliyaha Guud ee Ciidamada Milatariga Turkiga General Selçuk Bayraktaroğlu, ayaa maanta booqasho aan horay loo shaacin ku yimid magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee qotadadheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, sii adkeynta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah.
Booqashadan waa xasaasi, waxay ku soo beegmaysaa xilli uu xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga marayo marxalad muhiim ah, gaar ahaan iskaashiga difaaca, amniga, tababarka ciidamada iyo ilaalinta biyaha Soomaaliya.
Turkiga ayaa kaalin muuqata ku leh dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale qayb ka ah iskaashiga difaaca ee labada dal.
