Monday, November 16, 2026

Taliyihii RSF Ee Waqooyiga Daarfuur Oo ku Dhawaaqay inuu ka Goostay Maleeshiyaadkaasi.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Cali Xasan Xasab Al-Rasul, oo ahaa taliyihii RSF ee deegaanka Saraf Omra ee Waqooyiga Daarfuur, ayaa ku dhawaaqay inuu ka goostay maleeshiyaadkaas, isagoo ku eedeeyay inaysan lahayn u jeed qaran, balse ay yihiin awood uu maalgeliyo oo taageero Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, beesha Abbala ee xoolo-dhaqatada geela ee Waqooyiga Daarfuur ayaa la sheegay inay si weyn ula safatay dowladda Suudaan, iyadoo bulshooyinka Carabta iyo kuwa aan Carabta ahayn ee gobolka ay sii kordhinayaan diidmada RSF. Isbeddelkan ayaa saameyn ku yeelan kara dagaallada iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda ee gobolka.