Mareykanka Oo ka Hadlay Hub culus Oo uu ku Waayay Dagaalkii Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegsett, ayaa u sheegay xubnaha Aqalka Senate-ka Mareykanka, in dalka uu qaadan doono waqti dheer si uu dib ugu dhiso hubkii ugu weynaa ee uu ku waayay dagaalkii Iiraan iyo weeraradii kale ee milatari ee uu qaaday sanadihii la soo dhaafay.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Baarlamaanka , Mr Hegsett wuxuu sheegay inay qaadan karto “bilo ama xitaa sannado” iyadoo hadba ku xiran nooca hubka.

Senator Mark Kelly oo ka soo jeeda gobolka Arizona ayaa weydiiyay Xoghayaha Difaaca goorta ay suurtogal tahay in la beddelo hubkii lagu burburiyay

Hegsett ayaa ku jawaabay “inta badan weerarrada, waxaan u isticmaalnay hub culus, iyo hub wax burburiya, sidaas darteed waxaan burburinay kuwo badan, kuwaasna ma aha hub aad maalin ku burburin karto.”

Senator Kelly ayaa intaa ku daray in codsiga miisaaniyadda ee ay waaxda u gudbisay Aqalka ay muujinayso in Waaxda Difaaca ay hayso caddaymaha taageeraya arrintan, waxayna ku baaqday in la sameeyo waqti gaar ah oo lagu beddelayo hubka.

Si kastaba ha ahaatee, xoghayaha difaaca ayaa carabka ku adkeeyay in geeddi-socodku uu qaadan doono bilo ilaa sannado, iyadoo ku xiran nooca hubka.