Dowladda Suuriya ayaa wada qorshe ay dalalkooda ugu celinayso ajaanib isugu jira Soomaali iyo Suudaan, kuwaas oo ay ku jiraan haween iyo carruur ehel la ah xubno ka tirsanaa kooxda Daacish, sida ay sheegeen ilo ka shaqeeya arrimaha xuquuqda aadanaha.
Dadkaasi ayaa ku jira xerada Roj ee ku taalla waqooyi-bari Suuriya, oo muddooyinkii dambe hoy u ahayd haweenka iyo carruurta la xiriira xubnihii Daacish ee laga adkaaday intii uu socday dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi ee gudaha Suuriya.
Wararka ayaa sheegaya in maamulka Dimishiq uu wadahadallo la yeeshay safaaradaha Soomaaliya iyo Suudaan, kuwaas oo la sheegay inay aqbaleen qorshaha dib u celinta muwaadiniintooda. Hase yeeshee, weli lama shaacin tirada dadka la qorsheynayo in la celiyo iyo waqtiga ay bilaaban doonto howshu.
Suuriya ayaa muddo ku dhow laba sano waday dadaallo diblomaasiyadeed oo ay kula xiriireyso dalalka ay dhalashada ka haystaan dadkii ku biiray Daacish iyo ehelkooda, si loogu celiyo dalalkooda.
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya qorshahan, waxaana weli su’aalo ka taagan yihiin halka la dejin doono dadka la soo celinayo, sida loo maareyn doono xaaladdooda sharci iyo amni, iyo qorshaha dowladda ee ku aaddan dib-u-dhexgalka haweenka iyo carruurtaasi.
Dhanka kale, ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay dib u celinta dadka Suudaan u dhashay, iyagoo ku baaqay in dib loo dhigo qorshahaas. Waxay ku sababeeyeen in Suudaan ay ka jiraan colaado iyo xaalad amni oo adag, taas oo khatar ku keeni karta dadka dib loogu celiyo dalkaasi.
Arrintan ayaa mar kale soo bandhigaysa caqabadaha la xiriira dib u celinta iyo dib-u-dhexgalka qoysaska ku jira xeryaha waqooyi-bari Suuriya, gaar ahaan carruurta iyo haweenka aan si toos ah loogu eedeyn falal ay geysteen xubnihii Daacish ee ay ehelka ahaayeen.
