Sunday, November 8, 2026

Iran “Walaalaha Carabta Iyo Muslimiinta Ma-dareemayaan Dhibta Haysata Reer Falastiin..”

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arimaha Dibada iran ayaa Muuqaal iyo qoraal uu ku baahiyey bogiisa ku sheegay Murugada iyo culayska ay ku hayso Dhibaatada ay walaalaheenna Falastiiniyiinta ah ku sugan yihiin, iyadoo ay jiraan roobabka mahiigaanka ah ee maanta da’aya, ayaa qalbiga inaga jebinaysa. Walaalaheenna Carabta ah ee Muslimiinta ah iyaguna ma dareemayaan xanuunkooda?

Wasiirka ayaa ugu denbayntii ugu baaqay Walaalaha Carabta Iyo Muslimiinta inay u damqadaan dadka reer Falastiin islamarkaana ay gurmad u fidiyaan walaalahooda ku dhibaataysan Falastiin.

Ilaahay ha ka badbaadiyo walaalaheenna dhibaatooyinka oo dhan, dalkoodana ha siiyo xorriyad.