Ciidanka Israa’iil Oo ka Hadlay Weerar ay Iran ku Qaaday Urdun Iyo Warar kale Ee Bariga Dhexe

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay arkeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socda dhanka dekedda Aqaba ee dalka Urdun.

Horay, afhayeen u hadlay dowladda Urdun ayaa beeniyay warka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee sheegayay in dadka laga daad-gureynayay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Aqaba sababo la xiriira khatar soo wajahday.

Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay “dhawaan ogaadeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socda magaalada Aqaba ee dalka Urdun, taas oo ku taal meel u dhow xuduudda Israa’iil.”

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale uga digay arrintan iyagoo leh: “Waxaa jirta suurtagalnimo ah in rasaastaas awgeed, (colaaddu) ay ku faafto dhulka Israa’iil.”

Iran oo ku eedeysay Maraykanka in ay weerartay xarun nukleer oo la dhisayo

Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran ayaa cambaaraysay weerar ay Maraykanku ku qaadeen xarunta tamarta nukliyeerka ee laga dhisayo Darkhovin.

Bayaanka hay’adda ayaa lagu sheegay in Maraykanku, isagoo ku kacaya fal “ka hor imanaya sharciga caalamiga ah,” uu weerar ku qaaday goobta laga dhisayo xarunta tamarta ee Darkhovin, isagoo adeegsanaya dhowr gantaal, maalintii Axadda, abaaro 3:39-kii subaxnimo (waqtiga maxalliga ah).

Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran ayaa ku dhawaaqday bilowga mashruuca dhismaha xarunta tamarta nukliyeerka ee Karun ee ku taal Darkhovin bishii Disembar ee sannadkii 2022-kii.

Waqtigaas, Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran waxay sheegtay: “Xarunta tamarta nukliyeerka ee Karun, oo ah nooca biyaha fudud ee cadaadiska sare leh (pressurized light water type) isla markaana leh awood ay ku soo saarto 300 oo megawatt oo koronto ah, ayaa laga dhisi doonaa dhul baaxaddiisu dhan tahay qiyaastii 50 hektar oo ku teedsan Webiga Karun, una dhow magaalada Darkhovin—oo ka tirsan Degmada Shadegan ee Gobolka Khuzestan.”

Baxrayn oo sheegtay in ay ka hortagtay weeraro kaga yimid Iran

Ciidamada Baxreyn ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay ka hortageen gantaalada iyo weerarada Drones-ka Iran.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Nidaamyada difaaca cirka ee ciidamada Difaaca Bahrain, oo leh go’aan adag iyo diyaargarowga dagaalka sare, waxay qabteen oo burburiyeen dhowr weerar oo khiyaano ah oo Iran kaga yimid Axaddii.”

“In si ula kac ah loo isticmaalo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsado dadka rayidka ah iyo hantida gaarka ah waa xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.”

Milateriga Baxrayn ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay taxaddar muujiyaan, kana fogaadaan in ay u dhawaadaan shay kasta oo aan la garanayn ama laga shakisan yahay oo ah haraadiga gardarada arxan darada ah ee Iran, ayna si degdeg ah u soo sheegaan.

Ciidanka Kuwait: Waxaan ka hortageynaa mowjadda weerarrada Iiraan ah.

Milateriga Kuwait ayaa sheegay in ay ka hortagayaan mowjado duqeymo ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Iran.

Militariga Iran ayaa horay u sheegay in weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay la beegsadeen saldhigyada Mareykanka ee Kuwait.

Ciidamada Kuwait ayaa bayaankooda ku sheegay inay wajahayaan “gardarrada Iran” iyo in “nidaamyada difaaca cirka ay hadda ka hortagayaan gantaalada cadowga iyo weerarada Drones ka.”

Wakaalada wararka ee AFP ayaa sidoo kale sheegtay in seeriga digniinta ah laga maqlayo Kuwait.

Weerarkii lagu qaaday xarumaha la xiriira biyo nadiifinta, Korontada, iyo xarumaha saliida ee Kuwait ayaa la kulmay jawaab ka timid wadamada Carabta ee Gacanka Faaris.

Tusaale ahaan golaha iskaashiga khaliijka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in “Weerarada Iran ay ku qaadayso bartilmaameedyada rayidka ee wadamada dariska ah ay ka dhigan yihiin dambi dagaal”.