Somaliya Oo la Ogaaday in Sannadkii $14M dollar ka Hesho Diyaaradaha Isticmaala Hawadda Somaliland.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Baadhitaan uu sameeyay Telefishanka Rakaal ayaa waxa uu ku ogaaday in Dawladda Somaliya ay sannadkii lacag ka badan $14M oo dollar ka qaado diyaaradaha isticmaala hawadda Somaliland.

Sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo waxa 24-kii saacadood hawada Somaliland mara 100 duulimaad oo duulimaad kasta ay Somaliya ka qaado lacag dhan $395 dollar.

Marka 100 kaa duulimaad ee sida maalin laha ah u adeegsada Hawada Somaliland lagu dhufto $395 ee Air navigation fee-ga ah 100*$395 waa $39500 marka loo bedalo bil oo lagu dhufto 30-ka maalmood ee bisha $39500*30 waa $1,185, 000 marka loo bedalo sannad oo lagu dhufto 12- bilood ee Sannadkii $1,185, 000*12 waa $14.220,000.

Lacagta intaa leeg oo wax badan ka bedeli lahayd nolosha bulashada Somaliland waxa ay jeebka ugu dhacdaa ashkhaas kooban oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Somaliland arrintan maxay talaabo ka qaaday?

Sannadkii 2024 oo Somaliland iyo Somaliya uu dhex maray dagaal dhinaca Hawada ah oo adkaa isla markaasina ka bilaabmay duulimaad Addis ababa ka yimid oo Somaliya celisay waxa ay Somaliland qaadatay go’aan ah in ay khal khaliso hawada isla markaasina waxa hawada Somaliland ka leexday diyaarado badan oo amaro iska hor imanaya ay kala siiyeen Hargaysa iyo Muqdisho.

Sidaa darteed waxa sannad gudihii Somaliya wayday lacag ku dhaw $10M oo dollar waxaana marar badan ay Dawladda Somaliya codsatay in la wada hadlo.

Dhinaca kale bilawgii xukuumadda Madaxwayne Cirro in kaste oo ay dagaalka Hawada mar kale bilawday isla markaasina ay amartay in hawada Somaliland aanay mari karin diyaarad aan lasoo xodhiidhin hadana waxa muuqata in arrintaasi ay hadda hoos u dhacday oo ay soo noqdeen diyaarado badan oo khilaafkii hawada awgeed u leexday.

Sidoo kale waxa maalmahan dambe si weyn iskusoo taraya oo mucaaridka Somaliland xukuumadda ku eedaynayaan in ay ka gaabisay wax ka qabashada caqabada E-visa oo ah arrin culays dhaqaale ku ah Qurba joogta Somaliland ee dalka kusoo noqonaya.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.