Monday, November 9, 2026

Ninkii Cadaadiska ku Haayay Somalida Maraykanka oo laga Ogaaday.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Stephen Miller, oo dhawaan loo magacaabay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, ayaa hay’adaha federaalka Mareykanka ku cadaadiyay inay Soomaalida gobolka Minnesota si gaar ah ugu sameeyaan baaritaanno la xiriira musuq-maasuq iyo xannibaado maaliyadeed, sida uu qoray wargeyska The Washington Sun.

Wargeysku wuxuu helay cod laga duubay kulan dhex maray Miller iyo saraakiil Mareykan ah bishii Diseembar 2025, kaas oo uu sagaal jeer ku dalbaday xog ku saabsan khiyaano la xiriirta Soomaalida iyo Minnesota. Tilmaamihiisa ayaa la sheegay inay gaareen ugu yaraan shan hay’adood oo federaal ah.

Miller ayaa sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ku cadaadiyay inay baarto lacagaha laga diro Minnesota ee dibadda loo diro, si loo ogaado in ay ku jiraan lacago lagu helay khiyaano. Tallaabooyinkan ayaa walaac ku abuuray ganacsatada Soomaalida, kuwaas oo ka cabsi qaba inay adkaato xawaaladaha ay qoysasku u diraan ehelkooda.

Arrintan ayaa timid xilli maamulka Trump uu baaritaanno ku hayo kiisas musuq-maasuq oo Minnesota ka dhacay, kuwaas oo qaarkood lagu lunsaday malaayiin dollar oo loogu talagalay adeegyada bulshada iyo quudinta carruurta.

Minnesota waxaa ku nool ku dhowaad 100,000 oo Soomaali ah, badankoodna waa muwaadiniin Mareykan ah. Bulshada ayaa sidoo kale wajahaysa cabsi iyo cadaadis ka dhashay hawlgallada socdaalka ee maamulka Trump ka fuliyey gobolka.

Mas’uuliyiin iyo khubaro ayaa ka digay in baaritaannada khiyaanada aan lagu koobin hal bulsho ama aan lala xiriirin arrimaha socdaalka.