Iiraan Oo soo Bandhigtay Qorshe Cusub Oo ka kooban 14 Qodob Iyo Trump Oo Diiday Qorshahaasi.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo ka kooban 14 qodob, taas oo ah tallaabo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka u dhexeeya iyada iyo Maraykanka. Qorshahan ayaa imanaya iyadoo dagaalku uu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha caalamka isla markaana muujiyay xaddidaadaha awoodda milatari ee Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu dib u eegay soo jeedin cusub oo ay maanta soo badhigtay Iiraan si heshiis loo gaaro, isla markaana uu go’aansaday inuusan oggolaan oo uu diiday qorshaha Tehran ee ay soo marsiisay Pakistan, halka uu sidoo kale sheegay inay si wanaagsan u socoto diyaar garowga militari.

Qorshaha Iiraan ayaa diiradda saaraya in si buuxda loo soo afjaro dagaalka muddo 30 maalmood gudahood, halkii laga sii dheereyn lahaa xabbad-joojinta. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah: dammaanad ka dhan ah weerarro mustaqbalka, bixitaanka ciidamada Maraykanka ee ku dhow Iiraan, qaadista cunaqabateynta, sii deynta hantida Iiraan ee la xanibay, iyo nidaam cusub oo lagu maamulo marin-biyoodka Hormuz.

Si kastaba, khilaafka ugu weyn ayaa weli ka taagan laba arrimood: barnaamijka nukliyeerka Iiraan iyo xakamaynta marinka Hormuz. Maraykanku wuxuu ku adkeysanayaa in Iiraan joojiso awooddeeda nukliyeerka, halka Iiraan ay doonayso in loo oggolaado inay sii waddo kobcinta uranium-ka.

Inkasta oo wada-hadalladu socdaan, labada dhinac ayaa weli sii wada weerarro iyo isqabqabsi badeed, taas oo muujinaysa in dagaalka aanu si dhab ah u istaagin. Khubaradu waxay sheegayaan in inkastoo labada dhinac ay daaleen, haddana aysan si degdeg ah uga tanaasuli doonin wadahadallada.

Gunaanadkii, mustaqbalka heshiiska ayaa weli mugdi ku jira, iyadoo Maraykanku ka digay inuu dib u bilaabi karo weerarrada haddii Iiraan “tallaabooyin khaldan” qaaddo.