Sacuudiga, Ruushka iyo Dalal kale Oo soo Saaray Go’aan Lagu Xoojinayo OPEC+ Markii Imaaradku ka Baxay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacudiga, Ruushka iyo shan dal kale oo OPEC+ xubno ka ah ayaa kordhiyay qoondada shidaalka ay soo saaraan. Ujeedka go’aankooda ayaa la xiriira sidii lagu xoojin lahaa isbahaysigooda kaddib markii Imaaraatka Carabta ay degdeg uga baxeen ururka.

Toddobo dal oo ah kuwa ugu waxsoosaarka badan shidaaalka ayaa ku dhawaaqay in ay ku kordhiyaan shidaalka ay soo saaran hadda oo ay ku kordhiyaan188,000 oo barmiil maalintii laga bilaabo bisha soo socoto ee June.

Qoraal ka soo baxay OPEC ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid si wadajir ah loogu taageerayo xasilloonida shidalka xili gobolka Bariga Dhexe ay ka jiraan dhibaato keentay in qiimuhu kordho.

Hadalka oo la soo saaray kaddib shir ay ku yeesheen khadka internetka dalalka Algeria, Iraq, Kazakhstan, Kuwait, Cuman, Ruushka iyo Sacuudiga ayaan lagu soo qaadin dalka Imaaraatka Carabta oo maalmo ka hor ururka isaga baxay.

Jorge Leon oo ah falanqeeye ka tirsan shirkadda tamarta ee Rystad ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in ka aamusnaanta bixistsa Imaaraatka ay astaan u tahay xiriirka sii xumaaday.