Trump, ayaa markii u horreysay qirtay naceybka ay bulshada Mareykanka u qabaan Israa’iil, inay qayb ka tahay arrimaha dhaliyay guul-darradii ceebta ahayd ee xisbigiisu ka wajahay doorashadii dhexe ee Mareykanka oo aqlabiyada labada gole ay kula wareegeen Dimquraadiga.
Inta uu ku jiray waraysi uu siiyay telefishinka CBS , barnaamijka ka baxa ee 60 Minutes, wuxuu ku soo daray arrin xiiso leh , isagoo sheegay Israa’iil iyo dalalka xulafada la ah oo Mareykanku difaacay in looga baahanyahay inay soo celiyaan dhaqaalihii uga baxay Mareykanka dagaalkii Iiraan.

Screenshot
