Thursday, August 20, 2026

Xuutiyiinta Oo Bilaabay Howlgal Militari Oo ay ku Qabsanayaan Xeebaha Galbeedka Yemen

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xuutiyiinta Yemen ayaa lagu warramaya inay bollaabayaan howlgal militari oo ay ku qabsanayaan goobaha istaraatijiga ah ee ku haray gacanta ciidanka ka soo horjeeda ee dawladda Yemen oo Sacuudiga uu taageerro,

Xuutiyiinta ayaa doonaya inay halgaladan kula wareegaan xeebaha galbeed ee Yemen, kuwaas oo ka bilaabanaya Al-Khawkhah, sii maraya Al-Mukha, kuna dhammaanaya Bab al-Mandab, taasoo ka dhigan inay Xuutiyiinta dhinaca badda ka go’doominayaan dawladda Yemen ee caalamku aqoonsanyahay, sida ay werisay BBC Carabi.

Dhinaca kale , kororka ku yimid xiisadda Bariga Dhexe waxay ku qasabtay Imaaraadka Carabta inuu baajiyo bandhig ay qaban lahayd heesa Mareykan ah haweenayda Christina Aguilera iyo bandhig muusig oo ka dhici lahaa Abu Dhabi oo ay Shakira ka mid ahayd dadka ka qaybgalaya, taasoo sare u qaadaysa hoose u dhaca aan horey usoo marin ee Imaaraadka uu ka wajahayo dalxiisayaashii booqan jiray.