Friday, October 16, 2026

Trump Oo Xilkii ka Qaaday Afhayeenada Cusub Ee Aqalka Cad Oo Shan Maalmood Xilkaasi Haysay.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xilka ka qaaday Katie Zacharia, oo ahayd afhayeenada cusub ee Aqalka Cad, kadib markii ay xilka haysay shan maalmood oo keliya.

Xil-ka-qaadisteeda ayaa timid kaddib markii ay la kulantay dhaliilo xooggan oo la xidhiidha shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey iyo muran ka dhashay aqoonteeda sharci.

Zacharia ayaa qiratay inaanay ku guulaysan imtixaanka ruqsadda qareennimada, inkasta oo hore loogu tilmaamay qareen.