Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo guluf ciidan oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo degmooyinka Qansaxdheere, Bardaale, Buurhakaba iyo Diinsoor ee gobolka Baay, kuwaas oo ay maalmihii la soo dhaafay la wareegeen ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka, Cabdicasiis Lafta-gareen.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba, oo la hadlay Somali Cable TV, ayaa sheegay in shacabka maamulka ay maqli doonaan war ay ku farxaan, isaga oo ballanqaaday in degmooyinka la qabsaday dib loogu soo celin doono gacanta dowladda.
“Maalmaha soo socda shacabka reer Koonfur Galbeed waxay dhagahooda maqli doonaan wax ay aad ugu farxaan, waxaana la soo celin doonaa neecaawda dowladnimada. Degmooyinka ay hadda ku sugan Khawaarijta waxaa dib loogu soo celin doonaa gacanta dowladda,” ayuu yiri wasiirku.
Baaba ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Koonfur Galbeed ay dib ula wareegi doonto deegaannadaas, isaga oo ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay qabsatay degmooyinkaasi.
Dhanka kale, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa horay guulo uga sheegtay howlgallo ay ciidamadiisu ka fuliyeen gobolka Baay, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo lagu sugayay amniga laguna soo celinayay xasilloonida deegaannada.
“Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay ku guuleysteen inay dib ula wareegaan oo ay xoreeyaan afar degmo iyo deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Baay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed hore oo ka soo baxay xafiiskiisa.
Hadaladan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada taabacsan Lafta-gareen iyo kuwa taageersan maamulka hadda ka jira Baydhaba, oo garab ka helaya dowladda federaalka.
Xaaladda gobolka Baay ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada labada dhinac ay ku loollamayaan gacan-ku-haynta magaalooyin muhiim ah, taas oo sii kordhinaysa hubanti la’aanta amni iyo siyaasadeed ee deegaannadaasi.
