Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Masar iyo Eritrea oo maanta kulan ku yeeshay Qaahira ayaa fariin dadban u direy Itoobiya, waxayna ku celiyeen ineysan sinaba u aqbalayn isku day kasta oo dalal aan xeeb ku lahayn badda-cas ay ku doonayaan iney door ammni ugu yeeshaan ama marin baddeed uga helaan marinkaasi muhiimka ah, waxay xuseen in ammniga badda-cas uu khuseeyo oo keliya dalalka xeebaha ku leh badda-cas.
Sidoo kale waxay si gaara uga wada hadleen xaalada geeska Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar ayaana cadeeyay mawqifka Masar ee ku aadan dalalka Soomaaliya iyo Suudaan, wuxuu sheegay in ammniga gobolka geeska Afrika uu qayb muhiim ah ka yahay ammniga qaran ee Masar, sidaas darteed wuxuu xaqiijiyay in Masar aysan aqbalayn in lagu xadgudubo madax banaanida dhuleed ee dalalkaasi, wuxuuna sheegay in Qaahira ay si buuxda u taageerayso midnimada dhuleed iyo madax banaanida dalalka geeska Afrika.
