Wednesday, August 5, 2026

Xassan Sheekh iyo Taliyaha Ciidanka Milatariga Jabuuti Oo Amniga Somaliya ka Wada-hadlay (Sawirro)

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Sakaria Sheekh Ibrahim, iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayay, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa Soomaaliya u yimid ka qeybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ciidamada ka leh Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo looga arrinsanayo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinaca amniga, loo mideyn lahaa qorsheyaasha hawlgallada, isla markaana loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Shirka ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta iskaashiga ciidamada dalalka ku jira howlgalka AUSSOM, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, loona taageeri lahaa ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee hoggaaminaya howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Intii uu socday kulanka Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Jabuuti, waxaa si gaar ah looga hadlay xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Jabuuti ay ka mid tahay dalalka safka hore kaga jira garab istaagga dowladda Federaalka, gaar ahaan dhinacyada sugidda amniga, tababarka ciidamada iyo dib u dhiska hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta ay ciidamada Jabuuti ka qaataan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in naf-hurnimada iyo wada-shaqeynta labada dal ay gacan weyn ka geysatay dib u soo kabashada amniga qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Sakaria Sheekh Ibrahim, ayaa xaqiijiyay in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada ciidamada iyo amniga si loo ciribtiro khatarta kooxaha argagixisada ee gobolka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay martigelinayso Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qeybgalaya howlgalka AUSSOM, iyadoo shirkaasi la filayo inuu kasoo baxo go’aanno lagu xoojinayo wada-shaqeynta ciidamada gobolka, dardargelinta hawlgallada wadajirka ah iyo taageeridda qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.