Sirdoonka Iran oo Dad Cusub ku Xir-xiray Gobolka Ilam

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda sirdoonka Iran ayaa ku dhawaaqday in saddex qof lagu xiray gobolka Ilam oo lala xiriirinayo mudaaharaadyadii bishii Janaayo ee sanadkii hore.

Sida ay sheegtay hay’addu, shaqsiyaadkan waxaa lagu eedeynaaa “Hogaaminta”, “burburin iyo gubasho hanti dadweyne iyo goobo kale,” iyo “toogasho”.

Wasaarada sirdoonka ayaa sidoo kale sheegtay in 14 qof oo kale ay ku soo qab qabteen isla gobolkaasi, waxayna ku sifeysay in ay ka tirsan yihiin kooxaha qaswadayaasha wadooyinka, waxayna sheegtay in ay ilaalinayeen fulinta awaamiirta cadawga inta uu socdo dagaalka.

Dhanka kale, Nasser Atbati, oo ah madaxa cadaaladda ee galbeedka Asarbayjan, ayaa sheegay in tan iyo markii ay bilowdeen weerarada Mareykanka iyo Israa’iil ay ku hayaan Iran, ugu yaraan 480 qof ayaa loo xiray eedeymo la xiriira dagaal.

Waxa uu sheegay in sidoo kale 10 qof lagu xukumay eedeymo ah inay “basaasiin u ahaayeen Mossad.”

Xarigan ayaa imaanaya iyadoo hay’adaha xuquuqul insaanka ay sheegeen inay sare u kaceen howlgallada ka dhanka ah dadka dhaleeceeya iyo dibadbaxayaasha ee Iran ka dib markii ay bilowdeen isku dhacyada militari.

Amnesty International ayaa sheegtay in tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ay ku hayaan Iran, ugu yaraan 44 qof lagu fuliyay dil, in ka badan 6,000 oo kalena la xiray.