14 Qof Oo ku Dhimatay Qarax Xooggan Oo ka Dhacay Saldhigga Booliska Ee Kabal Pakistan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maamulka degmada Swat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee Pakistan, ayaa sheegay inay 14 qof ku dhintay, in ka badan 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay bannaanka saldhigga booliska ee Kabal.

Afhayeenka kooxaha gurmadka oo la yidhaahdo Bilal Faizi ayaa sheegay in meydadka sagaal qof ayaa la geeyay Isbitaalka Dhexe ee Saidu Sharif, halka Isbitaalka Kabal uu xaqiijiyay dhimashada shan qof.

Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee federaalka Pakistan, Mohsin Naqvi, qaraxaasi wuxuu ahaa weerar ismiidaamin ah. Wuxuu sheegay in askartu ay naftooda u hureen si ay uga hortagaan nin isa soo miidaamiyay oo rabay in uu galo saldhigga booliska.

Dadka deegaanka ayaa Bsheegay in qaraxu dhacay fiidnimadii Axadda, xilli ay dadka qaar ka wadeen banaanbax nabadeed meel u dhow saldhigga booliska.