Qoraal uu ku daabacay bartiisa truth,Trump ayaa waxa uu ku sheevay in uu codsi uga yimid Ra’isalwasaaraha Pakistan iyo taliyaha Ciidanka Pakistan uu ku kordhiyay waqtiga xabad-joojinta oo ku ekayd bari Arbacada.
Trump ayaa sidoo kale shegay inuu hakiyay weerar lagu qaadi lahaa Iraan, isagoo dhinaca kale sheegay in xayiraaddii Dekadaha Iran sii soconeyso Milatarigana aysan amar qabin ilaa ay labada waddo mid doorato Iran.
Hadalka Trump ayaa ku soo aadayaa iyadoo saacado uun ay ka dhiman yihiin waqtiga xabad joojinta isla markaana Iiraan ay si cad u sheegtay inaysan ka qayb galayn shirka lagu wado inuu ka dhaco magaalada Islamabad illaa laga qaado xayiraadda dhanka badda.

