Thursday, April 30, 2026

Xildhibaan Bernie Sanders Oo Dawlada Maraykanka ku Eedeeyay Dhaqaalaha Lagu Bixiyo Dagaalada

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Bernie Sanders oo ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Mareykanka ayaa dawlada ku eedeeyay inay dhaqaalo u hesho marka uu yimaado dagaal balse marka horumarka bulshada laga hadlo looma hayo dhaqaale.

Waxuuna yiri:

“Dagaalkii Ciraaq, wuxuu Mareykanka ku lumiyay 2.1 tiriliyan doollar, si la mid ah dagaalkii Afgaanistaan, waxaa ku baxday 2.3 tiriliyan doollar.Qiimaha la qiyaasay ee dagaal lala galo Iiraan, ayaa lagu sheegay 1 tiriliyan doollar.”

Wuxuu intaa ku daray;

“Mar walba lacag ayaa loo helaa marka ay timaado dagaal, laakiin marka ay timaado guryo, waxbarasho, iyo baahiyaha dadka caadiga ah , waxaa la dhahaa looma hayo dhaqaale .. Waa in aan beddelnaa sida aan wax u kala hormarino, waana sameyn doonnaa.”