Xi iyo Putin oo kala saxiixday heshiisyo ka badan 20.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne yaasha Shiinaha iyo Ruushka Xi Jinping iyo Vladimir Putin ayaa maanta magaalada Beijing ku yeeshay kulan heer sare ah, iyagoo kala saxiixday bayaan wadajir ah oo lagu xoojinayo xiriirka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya China iyo Russia.

Labada hoggaamiye ayaa sheegay inay sii adkeynayaan “iskaashiga saaxiibtinimo iyo deris wanaagga”, xilli caalamku wajahayo xiisado siyaasadeed iyo dhaqaale oo sii kordhaya. Kulanka kadib, mas’uuliyiin ka kala socday labada dal ayaa saxiixay heshiisyo iyo dukumentiyo ka badan 20, kuwaas oo quseeya dhinacyo kala duwan sida ganacsiga, tamarta, tignoolajiyada casriga ah, cilmi-baarista sayniska iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Heshiisyada cusub ayaa la filayaa inay sii xoojiyaan xiriirka dhaqaale ee Moscow iyo Beijing, iyadoo Shiinaha uu noqday dalka ugu weyn ee iibsada shidaalka iyo gaaska Ruushka kadib cunaqabateyntii reer Galbeedka lagu soo rogay Moscow sababo la xiriira dagaalka Ukraine.

Putin ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu gaaray “heer aad u sarreeya oo aan horey loo arag”, isagoo tilmaamay in Ruushka iyo Shiinaha ay si wadajir ah uga shaqeynayaan dhismaha nidaam caalami ah oo awooddu aysan ku koobneyn hal dal oo keliya.

Dhankiisa, Xi Jinping ayaa carrabka ku adkeeyay in Beijing iyo Moscow ay sii wadi doonaan iskaashi ku dhisan dan wadaag iyo ilaalinta xasilloonida gobolka iyo tan caalamka. Si kastaba, falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in Shiinaha uu isku dayayo inuu xiriir dhow la yeesho Ruushka isaga oo aan si buuxda ula safan Moscow, maadaama dagaalka Ukraine uu saameyn ku yeeshay sumcadda Ruushka iyo xiriirka Shiinaha ee reer Galbeedka.

Booqashada Putin ee Beijing ayaa timid maalmo un kadib safar uu Donald Trump ku tegay Shiinaha, taas oo loo arko tartan siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya quwadaha waaweyn ee dunida.

Khabiirada arrimaha caalamiga ah ayaa aaminsan in xiriirka sii xoogeysanaya ee Shiinaha iyo Ruushka uu beddeli karo isu dheelitirka awoodaha caalamka, gaar ahaan xilli Mareykanka iyo xulafadiisu ay isku dayayaan inay cadaadis saaraan Moscow iyo Beijing.