Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa 18 May 2026 si rasmi ah u daah-furay Machadka Caalamiga ah ee Madaxbannaanida iyo Aqoonsiga Somaliland (𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗻𝗱𝗲𝗽𝗲𝗻𝗱𝗲𝗻𝗰𝗲 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗴𝗻𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗜𝗻𝘀𝘁𝗶𝘁𝘂𝘁𝗶𝗼𝗻), oo ah Xarun Cilmi-baadhis iyo Diblomaasiyadeed oo heer Caalami ah oo lagu xoojinayo Doodaha sharci, Taariikheed, Siyaasadeed iyo xaqa aaya-ka-tashiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in furitaanka Machadkani uu muujinayo bisaylka Dawladnimada Somaliland iyo sida ay Shacabka Somaliland uga go’an tahay ilaalinta Madaxbannaanidooda iyo xaqiijinta himilada aqoonsi buuxa oo caalami ah.
Waxa uu xusay in Machadku uu door weyn ka qaadan doono Cilmi-baadhista, faafinta iyo kaydinta Sooyaalka Sharci iyo taariikheed ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu noqon doono Madal isku xidha Aqoonyahanka, Taariikh-yahanka, Sharci-yaqaannada, Diblomaasiyiinta iyo saaxiibbada Somaliland ee Dunida.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tilmaamay in Machadkani uu gacan ka geysan doono xoojinta doodaha aqoonsi raadiska, horumarinta daraasadaha la xidhiidha nabadda iyo dawlad-dhiska, kobcinta xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ah, iyo Wacyi-gelinta Jiilasha cusub ee ku saabsan qiimaha Qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay muddo ka badan 35 sano ku naaloonaysay nabad, kala dambayn, horumar Dimuqraadiyad, iyo Dawladnimo shaqaynaysa, taas oo uu sheegay in ay Jamhuuriyadda Somaliland siinayso xaq Sharci iyo mudnaan ay kaga mid noqon karto Beesha Caalamka.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 





















