Sacuudiga ayaa billaabay hirgelinta marin cusub oo ganacsi oo si deg deg badeecadaha soo maraya badda usoo gaarsiinaya dalalka Bariga Dhexe, iyadoo marinkan uu isku xirayo Afrika iyo dalalka Carabta, si looga fogaado khatarta ka jirta marin-biyoodka Hormuz.
Marinkan cusub ee ganacsi ayaa ah mid la adeegsanayo dekedaha Badda Cas, wuxuuna isku xirayaa dekedda ku taal galbeedka Sacuudiga ee King Fahd, dekedda ku taal Jeddah ee Jeddah Islamic Port iyo dekedda Jabuuti, dekedda Cumaan ee ku taal magaalada Salalah, dekedda Masar ku taal ee Ain Sokhna iyo illaa dekedda Aqaba ee dalka Jordan. Waxaana hirgelinta marinkan lagu sheegay inuu qayb ka yahay hiigsiga 2030 ee Sacuudiga uu doonayo inuu isku rogo xarunta ugu weyn ganacsiga iyo dekedaha dalalka Khaliijka.
Qorshahan wuxuu saameyn ku yeelanaya hindisaha Imaaraadka uu ku doonayay inuu hoggaamiyo marinada Badda Cas iyo dekedaha Khaliijka, waxayna tallaabada Sacuudiga dhalin karta tartan cusub oo dekedaha Badda Cas ku yaal,halkaa oo maalgelin horleh ay ka heli karto dekedda Berbera ee Somaliland oo isku diyaarinaysa inay tartan caalami ah la gasho dekedda Jabuuti
