Dad cadhaysan ayaa weeraray xarun caafimaad oo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo halkaas oo uu ka dillaacay cudurka halista ah ee Ebola.
Dadkan oo goobta dab sudhay isla markaana fowdo ka abuuray ayaa ku doodaya in loo diiday qof qaraabadooda ah oo Ebolaha u dhintay kaas oo ay doonayeen in ay aastaan.
Dawladda iyo khubarada caafimaadka ayaa sheegay in aan la ogolayn in Maydadka Eblolaha loo qaado guryaha maaddama oo uu ku faafi karo dadka kale ee aan haysan qalabka loogu tala galay.
Arrimaha uu Eboluhu u faafay gaar ahaanna Afrikada dhexe ayaa lagu sheegay in ay tahay dadka oo Maydadka aasaya iyaga oo aan haysan wax difaaca ah ama qalab ah sida ay sheegtay BBC News
