Madaxweynaha Israa’iil Oo Berri 18 May Waraaqaha Aqoonsiga ka Gudoomi-doonaa Safiirka Somaliland

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, ayaa maalinta berri ee 18 May, waxa uu waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomi doonaa Safiirkii u horreeyey ee buuxa ee Jamhuuriyadda Somaliland ee la aqoonsaday ku yeelato dalalka Dibedda.

Madaxweyne Isaac Herzog, waxa uu qaabili doonaa ambassador Maxamed Xaaji oo noqon doona Safiirka Jamhuuriyadda ee Isreal.

Sidoo kale dublamaasiyiinta oo waraaqahooda aqoonsi uu ka gudoomi doono, waxa ka mid ah ergayada cusub ee ka kala socda Australia, South Korea, Vietnam iyo Vatican City.