Shiinaha ayaa ku hanjabtay inuu qaadi doono tallaabooyin ka dhan ah Mareykanka , haddii Mareykanka uu sii wado kordhinta canshuuraha lagu soo rogo Shiinaha, iyadoo ay Beijing sheegtay inay ku saleysan tahay warar been ah oo sheegaya inay taageero militari siisay Iiraan.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Guo Jiakun ayaa sheegay in wararka sheegaya in Shiinaha uu qorsheynayo inuu Iran siiyo nidaamyo cusub oo difaaca hawada ah ay yihiin kuwo gebi ahaanba been abuur.
Wararkaas ayaa keenay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku hanjabo inuu ku soo rogi doono canshuur dhan 50% alaabaha Shiinaha haddii ay bixiso taageero milatari oo Tehran ah.
Haddii Mareykanku uu ku sii socdo kordhinta canshuuraha isagoo ku saleynaya eedeymahan, Shiinuhu wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin jawaab ah.
Shiinaha mar walba si taxaddar leh oo masuuliyad leh ayuu u maamulaa dhoofinta qalabka militari, wuxuuna si adag u raacaa sharciyadiisa gudaha iyo waajibaadkiisa caalamiga ah.”

