Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliya Oo Ankara kulan kula Qaatay Wasiirka Difaaca Turkiga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Ankara kulan heer sare ah kula yeeshay Wasiirka Difaaca Turkiga Yaşar Güler iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiga, General Selçuk Bayraktaroğlu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta taageerada milatari ee Turkiga uu siiyo Soomaaliya iyo kordhinta tababarada ay dowladda Turkiga siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga difaaca iyo amniga ee labada dal.

In wasiirka difaaca iyo taliyaha Milatariga Turkiga ay kulan la qaataan taliyaha waxa ay ku tusaysaa halka uu gaarsiisan yahay xiriirka milatariga ee labada dowladood. Turkiga waa wadanka 2aad ee NATO iyo xubin isbahaysiga Islaamka ee Sucuudigu hogaamyo