Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa si degdeg ah u saameyn kara xaaladda ka dhalan karta walaaca dawladda Itoobiya ka qabto in mar kale uu iska horimaad ballaaran dhex maro dawladda federaalka iyo TPLF, xilli dhinacyadii hore u taageeri jiray xukuumadda Abiy Axmed ay markan u muuqdaan inay la safan yihiin TPLF.
Dawladda Itoobiya waxay sidoo kale soo bandhigtay tuhunka ah in Eritrea ay markan taageerayso TPLF, taasoo sare u qaadi karta saameynta dagaal cusub oo dhex mara xukuumadda Itoobiya iyo TPLF. Xaaladdan ayaa dawladda Itoobiya ku qasbi karta inay u baahato ciidamo dheeraad ah, taasoo dhalin karta in Itoobiya ciidamo badan kala soo baxdo gudaha Soomaaliya,xilli ay mar horaba soo baxeen wararka la xiriira ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya.
Laakiin maxay Eritrea markan u taageeraysaa TPLF?
Taageerada ay Eritrea siinayso TPLF waxay qayb ka tahay sida dalalku mar walba mudnaanta u siiyaan danahooda. Eritrea waxay xilligan u baahan tahay inay hesho meel ay kaga cadaadiso xukuumadda Itoobiya, gaar ahaan si ay uga hortagto hanjabaadaha uu muddooyinkii u dambeeyay Abiy Axmed u jeedinayay Eritrea iyo qorshaha uu ku doonayo in Itoobiya ay gaarto Badda Cas, arrintaas oo Eritrea u aragto khatar ku wajahan danahaheeda.
Si loo yareeyo hanjabaaddaas iyo fursadda ay xukuumadda Abiy u heli karto inay tallaabo militari ka qaaddo Eritrea, Asmara waxay u baahan tahay inay Addis Ababa ku furto cadaadis gudaha ah. Xiisadda iyo dagaallada ka soo cusboonaaday gobolka Tigray ayaa noqon kara mid ka mid ah meelaha cadaadiskaas ka abuurmi karo.
Xaaladda hadda jirta ayaa u muuqata mid ka saameyn ballaaran dagaalkii hore ee xukuumaddii Abiy Axmed iyo TPLF, maadaama markan TPLF ay helayso taageero gudaha iyo dibadda ah, arrintaas oo xitaa uu qiray Abiy Axmed.
