Labo qarax oo xooggan ayaa ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, xilli uu halkaas booqasho rasmi ah ku joogo madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron. Qaraxyada ayaa ka dhacay meel u dhow hoteelkii uu degenaa madexweyne Macron, hase yeeshee isaga wax dhaawac ah ma soo gaarin, waxaana uu sii watay kulamadii uu la lahaa madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa.
Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee hoggaamiye ka socda Midowga Yurub ku tago Suuriya tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad, dabayaaqadii 2024.
