Dawladda Belgium ayaa gacanta ku dhigtay qalab militari oo loo waday Israa’iil, kaasoo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Liege Airport, halkaa oo diyaarad ka timid Ingiriiska.
Diyaaradan ayaa laga helay inay Israa’iil usoo qaaday xamuul ka koobnaa nidaamyo lagu hago hubka iyo qaybo dayactir oo loogu talagalay diyaarado militari, kuwaas oo aan si sax ah loo shaacin, sida ay werisey wakaaladda wararka ee ILKHA.
Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu Belgium si rasmi ah u mamnuucay in qalab militari oo u socda Israa’iil uu ka gudbo dhulkiisa,sidoo kale, Belgium waxay ka mamnuucday diyaaradaha sida qalab militari u qaadaya Israa’iil inay ku degaan dhulkeeda ama isticmaalaan hawadeeda.

Screenshot
Baadariga Vatican-ka ee madhabta Katooligga masiixiyiinta,Pope Leo XIV ayaa maanta mar kale jeediyay hadallo ka dhan ah Trump , xilli uu ku sugnaa dalka Cameroon, kadib markii ay kordheen dhaleeceynta isaga iyo Donald Trump u dhaxeysa.
“Ciise wuxuu yiri: waxaa barakoobaya kuwa nabadda ka shaqeeya,laakiin halaag baa u sugnaaday kuwa magaca Ilaah u adeegsada si ay diinta ugu adeegtaan danahooda,oo ku xadgudba waxyaabaha barakeysan,
si ay u gaaraan dano militari, dhaqaale ama siyaasadeed.”ayuu yiri Baadarigu

