Ra’iisul wasaaraha Pakistan ayaa maanta war uu sheegay dib ka saxay isagoo markii hore yiri: “60-ka maalmood ee soo socda, inta ay socdaan wadahadallada farsamo ee u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka, waxaa laga wadahadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, gantaallada ballistic-ga iyo hantida la xayiray”. Warkaas ayaa waxaa beeniyay Iran.
Hadda, Mr. Sharif ayaa arrintan ka hadlay mar kale ka dib markii uu la kulmay madaxweynaha Iran Masoud Peshkian, oo u safray Pakistan.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in aan “laba wajiilenimo” lagu dhaqmin arrinta gantaalaha ballistic-ga, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in Iran, sida dalalka kale, ay xaq u leedahay inay haysato gantaaladan.
Mudane Shariif ayaa sidoo kale u sheegay warfidiyeenka in heshiiska is-afgaradka ah ee ay ku heshiiyeen Iran iyo Mareykanka aan lagu soo hadal qaadin gantaallada ballistic-ga ah.
Sida laga soo xigtay isaga, “Arrintan asal ahaan laguma soo hadal qaadin wada xaajoodka labada dhinac.”
Saraakiisha Mareykanka ayaan ka hadlin hadalka Ra’iisul Wasaaraha Pakistan maanta, balse Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa todobaadkii hore sheegay inay ” cadaalad darro tahay” in Iran loo diido inay hesho gantaallada ballistic-ga ah haddii dalal kale ay haystaan.
