Maqaayadda caanka ah ee Poetica Coffee oo ku taal magaalada New York ayaa sheegtay in aysan mar dambe u adeegi doonin xildhibaanka Congress-ka Mareykanka Dan Goldman, iyada oo ku eedeysay taageerada uu u muujiyo Israa’iil iyo taageeradiisa xasuuqa Gaza.
Maqaayaddu waxay shaacisay in ay dib ugu celisay lacagtii uu Goldman ku bixiyay Coffeegii uu cabay isagoo maqaayada kula kulmay gabadhiisa, waxayna sheegtay in haddii ay hore u aqoonsan lahaayeen ay gebi ahaanba u diidi lahaayeen in uu soo galo maqaayada.
Dhanka kale, Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa furtay baaritaan ku saabsan arrintan, iyadoo madaxa waaxda xuquuqda madaniga ah Harmeet Dhillon ay sheegtay in haddii ay jirto xadgudub sharci ah tallaabooyin la qaadi doono.
Dan Goldman ayaa cambaareeyay habka ay u dhaqantay Poetica Coffee, balse wuxuu sheegay inuusan taageersanayn in shirkadda la baaro, isagoo ku baaqay in mudnaanta la siiyo la dagaallanka naceybka Yuhuudda.
Khubarada sharciga ayaa xusay in aanay weli caddayn saldhigga sharci ee dowladda federaalku ku qaadi karto tallaabo ka dhan ah maqaayadda, maadaama aragtida siyaasadeed aysan ka mid ahayn qodobada sharci ahaan laga ilaaliyo takoorka
