Ciidamada Badda Ee Iran Oo Mar kale ku Dhawaaqay In la Xiray Marinka Hormuz Ilaa Inta Israel ay ka..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC Navy) ayaa mar kale ku dhawaaqay in marin-biyoodka Istiraatiijiga ah ee Hormuz uu xiran yahay, iyagoo uga digay dhammaan maraakiibta inay ka fogaadaan aaggaas kaddib weerarro ay Israa’iil ka fulisay koonfurta Lubnaan.

Bayaan lagu baahiyey idaacadaha isgaarsiinta badda ee ku dhow marinka Hormuz ayaa lagu sheegay in furitaanka marinka uu ku xiran yahay fulinta shuruudo ay Iran ku sheegtay inay qayb ka yihiin heshiis dhex maray Tehran iyo Washington.

Ciidanka IRGC ayaa sidoo kale sheegay in ka bixitaanka Israa’iil ee Lubnaan, qaadista gebi ahaanba xayiraadda badda, iyo ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee ay ku tilmaamtay argagixiso ee gacanka Faaris iyo guud ahaan gobolka ay yihiin shuruudaha ugu waaweyn ee heshiiska.

“Marinka Hormuz wuxuu sii ahaan doonaa mid xiran ilaa shuruudahan la fuliyo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, ciidamada IRGC waxay dhammaan maraakiibta uga digeen inay u dhowaan marinka, iyagoo sheegay in tallaabo kasta oo lagu jebiyo amarkan loo aqoonsan doono khatar amni, isla markaana markabkaasi bartilmaameed noqon doono.