Iran Oo Dacwad ka Dhan ah Carqabadaha ka Heysta Maraykanka u Gudbisay FIFA,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iran ayaa qorshaynaysa in ay dacwad rasmi ah u gudbiso xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, taasoo ay kaga cabanayso shuruucda fiisaha ee Mareykanka inta Koobka Adduunka 2026 uu socdo.

Maraykanka ayaa xeerar adag ku soo rogay xulka kubada cagta Iran kaasoo dhigaya, in xulka Iran uu geli karo Mareykanka hal maalin ka hor ciyaaraha, waxaana la amray inay kasoo baxaan isla maalinta ay ciyaaruhu dhammaadaan.

Iran ayaa sheegtay in shuruudahani ay yihiin kuwo aan caddaalad ahayn oo carqaladeeyay diyaar-garowga kooxda, isla markaana aysan siinayn dhammaan xulalka ka qaybgalaya tartanka fursado isla eg.

Tababaraha xulka, Amir Ghalenoei, ayaa ku tilmaamay Iran in ay tahay kooxda ugu dulman tartankan.

Iran oo inta tartanku socda degan dalka Mexico ayaa sheegtay in codsiyadoodu ahaa in ay hore u timaado ciyaaraha lagu qabanayo Los Angles loo diiday, sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha xulka qaranka Iran ayaa loo diiday fiisaha iyo sidoo kale taageerayaasha.

Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay hore u aqbashay shuruudahan ka hor inta uusan tartanku bilaaban. Hadda Iran waxay ku dhawaaqday in ay si rasmi ah arrintan ugu gudbin doonto FIFA.