Ka dib xasuuqii maanta ka dhacay Qasa, wasiirka xagjirka ah ee amniga Israa’iil, Itamar Ben-Gvir ayaa maanta ku baaqay xasuuq ka dhan ah dalka Lubnaan.
Wuxuu yiri: “Ilin kasta oo ay daadiso hooyo Israa’iili ah, waa inay ka hor ooyaan kun hooyo oo Lubnaani ah sidaa darteed waa in Lubnaan oo dhan ay gubataa.”
Sidoo kale Wasiirka ayaa intaasi ku daray; “Bariga Dhexe laguma guuleysto dulqaad iyo is-xakameyn badan, mararka qaar waxaa loo baahan yahay in si adag loo dhaqmo.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa si deg deg ah uga jawaabay hadalka wasiirka amniga Israa’iil ayaa timaamay in israel ay caadeystay xasuuqa bini’aadamka
Wuxuu yiri; “Kani ma aha qof caadi ah oo hadlaya, waa Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil.”
Wuxuu intaas raaciyay; “Dadka ku baaqaya xasuuq iyo burbur noocan ah waxay noqdeen khatar ka dhan ah bani’aadamka oo dhan.”
