Dhimasho Iyo Dhaawac Badan Oo ka Dhashay Dagaal Caawa ka Dhacay Degaan Xaysimo Ee Sanaag.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dhimashada lix qof ayaa laga soo sheegayaa dagaal ka dhacay Deeganka Xaysimo Ee Buuraleyda Gobolka Sanaag, markii ay isku dhaceen dadka Dahabka ka shaqaysta ee Deegaankaasi xaysimo ku Sugan….

Dagaalkani Oo Rasaasta Nooceeda kala duwan laysku adeegsanayo ayaa Sababay ilaa hadda dhimishada 7 Qof Halka Dhaawac Badani jiro

Dadka Deegaanka ayaa Xaqiijiyay in dagaalku ka bilaabmay nin lagu dhaawacay shalay Isla Deegaanka Xaysimo Ee Dahabka Laga Helay.

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay ku baxeen deegaanka qaylo dhaantu ka jirto, waxaana lagu waramayaa in Wali Xaalada dagaalku Socodo caawa.

Raga Dahab-layaashi ayaa ah qaar hubaysan oo aan ilaa hadda hubka ka dhigis lagu samayn taasina waata Keentay khasaraaha dhimishada iyo dhaawaca caawa ka taagan deegaanka Xaysimo.