Fadhi ka dhacay Qaramada Midoobay ayaa isu beddelay dood kulul kadib markii Danjiraha Israa’iil ee QM, Danny Danon, uu ku eedeeyay hay’adda Qaramada Midoobay inay si gaar ah u bartilmaameedsanayso Israa’iil.
Danon ayaa sidoo kale isku dayay inuu su’aal geliyo warbixino iyo natiijooyin la diiwaangeliyay oo ku saabsan eedeymo la xiriira tacaddiyo galmo oo loo geystay Falastiiniyiin, arrintaas oo dhalisay jawaab adag oo uga timid wakiilka Qaramada Midoobay, Vanessa Frazier.
Vanessa Frazier ayaa si cad uga hortimid hadallada danjiraha Israa’iil, iyadoo difaacday warbixinnada iyo habraacyada QM ee baaritaannada lagu sameeyo eedeymaha noocan ah.
Dhacdadan ayaa muujisay sii xoogeysiga khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, xilli ay weli taagan yihiin doodaha ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee dhulka Falastiiniyiinta.
