Trump Oo soo Bandhigay Diyaarad cusub Oo Madaxtooyada Maraykanka loogu Talagalay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay diyaarad cusub oo madaxtooyada loogu talagalay, taas oo ah Boeing 747-8 ay Qatar ugu deeqday dowladda Mareykanka xilligii safarkii Trump uu ku tegay Doha bishii May 2025.

Diyaaraddan ayaa loo adeegsan doonaa si ku-meel-gaar ah inta laga sugayo diyaaradaha cusub ee Air Force One ee shirkadda Boeing dib uga dhacday soo saaristooda.

Diyaaradda oo ah $400 milyan ayaa muddo bilooyin ah lagu waday dib-u-habeyn iyo qalabayn amni, iyadoo lagu rakibay nidaamyo isgaarsiin iyo difaac oo heer sare ah si ay ugu habboonaato safarrada Madaxweynaha Mareykanka.

Trump ayaa sheegay in hadiyadda Qatar ay ka caawinayso Mareykanka inuu helo diyaaraddii madaxtooyada ee loo baahnaa, xilli Boeing ay wali dib u dhac ku jiraan diyaaradaha cusub ee Air Force One oo la filayo inay diyaar noqdaan sanadaha soo socda.