HNN: Jimcadii fiidkii, Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka (US Department of Justice) ayaa ku dhawaaqday inay qaadayso tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo ciqaabta dilka federaalka.
Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen inay dib u celinayaan dhowr isbeddel oo la sameeyay intii uu xilka hayay madaxweynihii hore Joe Biden. Waxay sheegeen in isbeddelladaas ay daciifiyeen nidaamka ciqaabta dilka ee federaalka Mareykanka.
Waxay sidoo kale tilmaameen in maamulkii hore uu diiday in uu raadsado ciqaabta dilka kiisaska qaar oo ay ku tilmaameen “kuwa aad u xun”, xitaa marka xeer-ilaaliyeyaasha Biden ay ku taliyeen in la codsado.
Waxay intaas ku dareen in Waaxda Caddaaladda ee Biden ay si weyn u yareysay isticmaalka ciqaabta dilka, iyagoo 37 ka mid ah 40 maxbuus oo xukun dil ah ku jiray u beddelay xabsi daa’in ama ka cafiyay dilka.
Waxay ku eedeeyeen go’aankaas inuu ka yimid aragtida shaqsiyeed ee Xeer Ilaaliyaha Guud Merrick Garland, oo ka soo horjeeday ciqaabta dilka, iyada oo aan lala tashan qoysaska dhibbanayaasha.
Dhinaca isbeddellada cusub, waxay sheegeen inay oggolaanayaan habab cusub oo dil ah, oo ay ka mid yihiin dil toogasho (firing squad).
Sidoo kale waxay dib u soo celiyeen isticmaalka cirbad dil ah (lethal injection) oo lagu adeegsanayo daawada pentobarbital. Dawadan ayaa hore looga mamnuucay xilligii Biden, sababtoo ah welwel ku saabsan inay sababi karto xanuun iyo silic aan loo baahnayn marka la fulinayo dilka.
Go’aankaas mamnuucidda ahaa ayaa hadda dib loo celiyay.
Heemaal News Network.
