Abbas Araghchi oo gaadhay Baakistaan, diidayna i uu la hadlo Witkoff iyo Kushner.

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Steve Witkoff iyo Jared Kushner ayaa loo dirayaa Pakistan si ay wadahadallo la xiriira Iran uga qayb qaataan, balse Iran waxay beenisay in kulan toos ah uu dhexmarayo dhinacyada.

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa Jimcihii fiidkii xaqiijiyay in labadan masuul ay Sabtida u safri doonaan Islamabad.

CNN ayaa hore u sheegay, iyagoo soo xiganaya ilo aan magacooda la sheegin, in ay la kulmi doonaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araghchi, balse Iran ayaa arrintaas si cad u beenisay.

War-saxaafadeed ay soo saartay Iran ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo kulan toos ah oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, balse isgaarsiinta ay wado Pakistan.

Afhayeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa bartiisa X (Twitter) ku sheegay:

– “Waxaan gaarney Islamabad ee Pakistan safar rasmi ah. Wasiirka Araghchi wuxuu la kulmi doonaa mas’uuliyiin sare oo Pakistan ah si looga hadlo dhexdhexaadintooda iyo dadaallada lagu joojinayo dagaalka Mareykanku horseeday, loona soo celiyo nabadda gobolka.”

Wuxuu intaas ku daray:

– “Kulan toos ah oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ma jiro. Farriimaha Iran waxaa loo gudbinayaa Mareykanka iyadoo loo marayo Pakistan.”

Telefishinka dowladda Iran iyo ilo Pakistani ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay arrintan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in Araghchi uu gaaray Islamabad si uu ula kulmo hoggaanka Pakistan, loogana hadlo xaaladda gobolka.

Pakistan waxay door dhexdhexaadin ah ka ciyaaraysaa isku dayga lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadallada Iran iyo Mareykanka.

Inkasta oo ay jiraan warar sheegaya dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed, weli waxaa jira jahawareer weyn oo ku saabsan haddii wadahadallo toos ah ay dhici doonaan.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ay jiraan calaamado yar oo horumar ah, balse wax rasmi ah weli lama xaqiijin.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka J.D. Vance iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin inay u safraan Islamabad haddii loo baahdo, laakiin taasi weli lama xaqiijin.

Iran waxay sidoo kale qorsheyneysaa safarro kale oo ay ku tagi doonto Oman iyo Ruushka si ay wadahadallo kale u sii waddo.

Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac, Iran iyo Mareykanka, waxay weli ku kala aragti duwan yihiin sida wadaxaajoodku u soconayo, taasoo sii adkaynaysa xaaladda diblomaasiyadeed ee gobolka.

Heemaal News Network.