Saturday, April 25, 2026

Putin oo xanibay internetka “waa in Ruushka laga gooyo dunida kale”

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sii adkaynaya xakamaynta internetka, balse waxay la kulmayaan iska caabin sii kordheysa oo ka imanaysa shacabka, kuwaas oo dhib ku qaba ganacsigooda iyo isgaarsiinta.

Dibadda xarunta madaxtooyada ee Moscow, waxaa saf ugu jiray tobanaan qof oo Ruush ah si ay cabasho ugu gudbiyaan Madaxweyne Vladimir Putin. Waxay dalbanayeen in la joojiyo xaddidaadda internetka ee dowladda.

Yulia, oo leh shirkad cunto-bixin (catering), ayaa ka mid ah dadka halkaas tagay. Waxay sheegtay inay cabsi qabto, balse ay xaaladdu ku khasbeyso.

– “Waxaan luminnaa lacag mar kasta oo internetka la xannibo, ama Telegram iyo WhatsApp la xiro. Ganacsigaygu gebi ahaanba wuxuu ku tiirsan yahay internetka. Haddii internet la waayo, sidaan ma sii jiri karo,” ayay tiri iyadoo la hadlaysa BBC.

Dowladda Ruushka ayaa bilihii la soo dhaafay sii adkaysay xakamaynta dhanka dijitaalka. Helitaanka barnaamijyada fariimaha caalamiga ah waa la xaddiday, waxaana sidoo kale la soo sheegay go’aanro internet mobilka lagu joojiyay ama si weyn loo carqaladeeyay.

Putin ayaa qiray xaaladda, isagoo ku tilmaamay mid la xiriirta “hawlgallo amni oo looga hortagayo weerarro argagixiso.” Wuxuu sidoo kale amar ku bixiyay in adeegyada muhiimka ah ee internetka si aan kala go’ lahayn u shaqeeyaan.

“Daah bir dijitaal ah”

Qaar ka mid ah dadka caanka ka ah internetka gudaha Ruushka ayaa si fagaare ah u dhaleeceeyay xannibaadaha.

Nin qoraal baahiyaha bulshada leh ayaa sheegay in derbi weyn uu u dhexeeyo shacabka iyo dowladda.

Natiijada ayaa noqotay in internet-ka mobilka marar badan la damiyo gobollo badan oo Ruushka ah, xitaa meelaha aan dagaallo ka jirin sida Moscow iyo magaalooyin kale.

Dadka qaar ayaa sheegaya in tani ay saameyn ku yeelatay shaqooyinka maalinlaha ah sida gaadiidka, lacag-bixinta, iyo isgaarsiinta.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa xaaladdan ku tilmaamay “daah bir dijitaal ah” oo Ruushka laga dhex dhisayo, si dalka looga gooyo dunida.

Kaliya adeegyada dowladda ayaa shaqeeya

Inta lagu jiro xannibaadaha, kaliya bogagga iyo barnaamijyada ay dowladdu oggolaatay ayaa shaqeeya, sida adeegyada dowladda, bangiyada, iyo barnaamijyo gaar ah oo Ruush ah.

Dowladdu waxay sidoo kale dhiirrigelinaysaa app cusub oo ay maamusho oo lagu magacaabo MAX, iyadoo lagu beddelayo WhatsApp iyo Telegram.

Sidoo kale, waxaa la xaddiday VPN-yada, kuwaas oo dadka u oggolaan jiray inay ka gudbaan xannibaadaha internetka.

Sababta dowladda

Putin ayaa sheegay in tallaabooyinkan loo qaaday sababo amni, gaar ahaan si looga hortago weerarro iyo in macluumaadka muhiimka ah aan la faafin inta hawlgallo amni socdaan.

Si kastaba, dad badan oo Ruush ah ayaa u arka in tani ay sii xoojinayso xakamaynta dowladda oo ay sii adkaynayso nolosha caadiga ah.

Heemaal News Network.