Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula ayaa si adag ugu eedeeyay Masar iyo Suudaan,iney taageerayaan kooxaha hubeysan ee waqooyiga Itoobiya kula dagaalamaya Ciidamada dowlada, kadib markii uu qarxay dagaal culus oo u dhexeeya kooxda TPLF iyo Dowlada Federal-ka ee Itoobiya.
Birhanu Jula ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay la dagaalamayaan xoogag si abaabulan loo diyaariyay oo xulafo la ah isla markaana u adeegaya wax uu ku tilmaamay “danaha xoogag shisheeye.”
Hase ahaatee Ciidamada Milatariga Suudaan ayaa beeniyay eedeymaha Itoobiya, waxayna ku tilmaameen “eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn.” Balse weli Masar wax jawaaba kama bixin eedeymaha ay Itoobiya u jeedisey.
